Home arrow News in Somali
Somali Army 70´s and 80´s
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:103
Date:13-11-2008
BEST NIIKO-WAA IDILAA
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:105
Date:13-11-2008
Ciyaarah Dhaqanka Somali, Oromo, Cafar
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:38
Date:13-11-2008
Riwaayo Somali ah
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:48
Date:13-11-2008
Hidaha iyo Dhaqanka Jabuuti
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:41
Date:13-11-2008

Laanta Afka Soomaaliga

BBC
Voice of America

Polls

What type of government should Somalia have?
 
How do you rate President Abdullahi Yusuf?
 

Syndicate

Get Our News Updates
Aug 26 2008
Yuusuf iyo Cadde oo Heshiis ku kala Saxiixanaya Xarunta Midowga afrika
Written by Ali Moallim   
Tuesday, 26 August 2008

Addis Ababa,(insidesomalia.org)-wararka naga soo gaaraya Magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya ayaa sheegaya in Madaxweynaha Dowladda KMG ee Soomaaliya M Cabdullaahi Yuusuf Axmed iyo Ra'iisul Wasaare Nuur Xasan Xuseen "Nuur Cadde" ay gaareen Heshiis buuxa kaasoo la filayo in barqanimada maanta ay ku kala saxiixaan xaflad ka dhaceysa xarunta Midowga Afrika ee Addis Ababa.

 

Warku wuxuu intaa ku darayaa in xaflad si heer sare loo soo agaasimay in ay ka dhaceyso xarunta Midowga Afrika taasoo ay ka soo qeybgeli doonaan Madax kala duwan oo ka socoto dalalka Afrika, Midowga Afrika, Madaxda Itoobiya oo iyadu ku howlaneed dhexdhexaadinta labada dhinac, Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Aadan Madoobe iyo madax kale oo goob joog ka ahaan doona saxiixa heshiiska Madaxweynaha iyo Ra'iisul Wasaaraha.

 

Marka heshiiskan ay kala saxiixdan Madaxweynaha iyo Ra'iisul Wasaaraha kadib ayaa la filayaa in ay gaaraan xarunta Baarlamaanka Soomaaliya ee Baydhabo, halkaasi oo ay kula hadli doonaan Xubnaha Baarlamaanka si ay ugu faah faahiyaan waxyaabihii ay isla gaareen labada dhinac, iyadoo ay qaboojin doonaan xiisadda cusub ee xubno ka tirsan Baarlamaanka ay ku doonayaan in ay xukuumadda Nuur Cadde codka kalsoonida u qaadaan taasoo aan la ogeyn halka ay ku danbeyn doonto.

 





 
Comments (0)add
Write comment
quote
bold
italicize
underline
strike
url
image
quote
quote
smile
wink
laugh
grin
angry
sad
shocked
cool
tongue
kiss
cry
smaller | bigger

busy
 
Newer news items
Older news items

<< Previous Page                    Next Page>>

< Prev   Next >